Qoraalkan oo ah mid aan ku soo ban dhigi
doono, tubtii sooyaalka ahayd ee qoritaanka afka Soomaaliga iyo
halka uu ku suganyahay af-soomaaligu maanta iyo wiliba aayihiisa
dambe, waxa aan marka hore isku dayayaa in aan wax ka idhaahdo
bal afka soomaaligu halka uu ka soo jeedo iyo waxyaalaha u
gaarka ah ee uu ku caan baxay.
Af-Soomaliga waxaa lagu tiriyaa in uu ka mid
yahay, afafka Afrikaanka iyo Aasiyaanka (Afro-asiatic branch of
languages) iyo qaybta afafka kushitiga bari (Eastern cushitic
subbranch).
Sidaas darteed Af-Soomaaliga waxay meel ka
soo wada jeedaan, afafka ay ka midka yihiin Saahada iyo
cafarta(saho-Afar), oo lagaga hadlo qayba ka mid ah Eriteriya
tan iyo qaybo ka mid ah Djibouti, Af-Oromada oo ah afka ugu
badan ee dalka Ethiopia lagaga hadlo iyo afaf kale oo badan oo
lagaga hadlo bariga iyo geeska Afrika.
Waxaa isna saamayn weyn ku leh Af-soomaliga,
afka Carabiga iyadoo la xaqiijiyey in Afka Soomaaligu ereyo
badan ka soo amaahday afka carabiga (20% ereyada Soomaaligu
waxay ka soo jeedaan afka carabta). Saamaynta Af-Carabiga waxaa
sababay arrimo ay ka mid yihiin, xidhiidhkii dheeraa ee
ganacsiga iyo diinta ahaa ee muddada dheer ka dhexeeyey labada
ummadood iyo wiliba derisnimada.Hasa yeeshee sida ay sheegeen
aqoonyahaniin fara badan oo aad u darsay xidhiidhka labada af ka
dhexeeya heerka uu taaganyahay, waxa ay si cilmi ah u qeexeen,
in qaab dhismeedka labada af yahay mid aad u kala duwan.
Xidhiidhka bulshada soomaalida iyo afkooda:
Afka Soomaaligu wuxuu ku caan baxay, in uu
yahay af aan qorayn ama af-hadaleed (oral language), ayna ku
hadasho bulsho-hadaleed(oral society). Haddaba inkasta oo la
oran karo in afka Soomaaligu qorraa tan iyo 1972-dii haddana,
wili waxaa inoo cad in dhaqan ahaan bulshada Soomaaliyeed ay
tahay tu hadasha. Arrintani waa mid hiddaysanaysa dhaqan xidido
adag leh oo gaamuray, isbedelkeeduna qaadanayo sida aan anigu
aaminsanahay qarniyo badan.
Afkani intii uu jiray oo idilba wuxuu ku
abaaday qoritaan la`aan. Haddaba waxaa is-waydiin leh, sidee
ayaa afka Soomaligu kaga soo badbaaday mawjadihii iyo hirarkii
afafka shisheeye ee dhinacyada badan kaga soo fatahayey, ahaana
kuwo xuubsiibtay oo qarniyo badan qorraa, isla markaasna lahaa
dhaqan adag oo leh xidido adag oo ay dhulka ku muteen.
Culimada
afafka daristaayi, waxa ay arrintan ku sababeeyeen, iyada oo
afka Soomaaligu noqday af-hadaleed qani ah, lana soo ban baxay,
suugaan taya sare leh iyo qaab naxweed xooggan oo aan qorrayn.
Waxa ay af Soomaaliga ku tilmaameen afkii gabayga iyo suugaanta,
ayna ku hadasho bulsho gabyaa ahi. Sidaas daraadeed waxa la isku
raacsanyahay, in suugaantu, gaar ahaan mansadu ay qayb weyn ka
cayaartay jiritaanka afka Soomaalida.
B.W. Andrzejewski oo ahaa caalim u bayni
baxay daraasadda iyo raadraaca afka Soomaaligu wuxuu yiri, ”
Soomaalidu waxay caan ku noqotay in ay bareeraheeda ku soo ban
dhigto hab-suugaaneed leh hidde faneed oo aad u
sarreeya”…kulamada waaweyn ee farxadda iyo xaaladaha dagaalka
iyo shirarka geedka hoostiisa ee guurtidu isugu
timaadaba(Traditional legeslative council), waxay dareeriyaan
tuducyo qurux badan oo maanso kala duwan iyo murti isugu jira.
Soomaalidu waxa ay dhambaalladeeda ku gudbin
jirtey, gabay ama qaab murtiyeed kale.Wiliba ku darso oo abwaan
waliba sida quruxda badan ee uu ugu luuqeeyo gabayga, ayuu ugu
raaridi jirey gudaha qofka dhambaalka uu u dhiibayo ama kan uu u
dirayo, amaba horjooga ee uu markaas kula hadlayo. Qaafiyadda
gabayga ayaa iyana ahayd mid maansada Soomalidu ku caan baxday.
Gabayba gabayga uu ka qaafiyad iyo hab dhac wanaagsanyahay, ayaa
ku hari jirey xusuusta dadka.
Sidoo kale ninkii la odhan jirey Richard
Burton oo ahaa sahamiyii iyo aqoonyahankii caanka ahaa ee
boqortooyadii isticmaarka ingiriisku u dirtay ge